CAAFIMAADKA MASKAXDA
Sidee ayuu sameeya walbahaarku maskaxda waa su,all mar waliba ubahaan jawab maqaalkan waxaad ku dhameystiran jawabaha su,ashaas.
Waa maxay caafimaadka maskaxdu?
Caafimaadka maskaxdu waa xaaladda fikirka, dareenka, iyo hab-dhaqanka qofka.
Qof maskax ahaan caafimaad qaba wuxuu awood u leeyahay inuu la qabsado culaysyada nolosha, go’aan sax ahna gaadho, kana qayb qaato nolol bulsho iyo shaqo si wax-ku-ool ah, Marka caafimaadka maskaxdu daciifo, saameyntu kuma ekaato maskaxda oo keliya jirka oo dhan ayay gaadhaa.
Walbahaarka (stress) cadow qarsoon oo maalinle ah
Walbahaarku waa jawaabta jirka marka qofku wajaho culays, cabsi, ama cadaadis joogto ah. Qadar yar oo walbahaar ah mararka qaar wuu faa’iido leeyahay, balse marka uu noqdo mid joogto ah, wuxuu keenaa madax-xanuun, daal, iyo hurdo la’aan
Wuxuu kordhiyaa dhiig-kar iyo xanuunnada wadnaha, wuxuu wiiqaa xusuusta iyo feejignaanta, wuxuu hoos u dhigaa difaaca jirka
Walbahaar aan la xakameyn waa albaab u furan cudurro badan.
Dhaawaca nafsiyeed (trauma)
xanuun aan mar walba muuqan, dhaawaca nafsiyeed wuxuu ka dhalan karaa dhacdooyin culus sida dagaal, shil, rabshad, masiibo dabiici ah, ama khasaaro qoys, Qofka trauma qaba.
Wuxuu la kulmi karaa cabsi joogto ah iyo walwal, wuxuu yeelan karaa riyooyin xun ama xasuus soo noqnoqda, wuxuu ka fogaan karaa dadka ama meelaha xasuusta kiciya, wuxuu dareemi karaa murugo iyo rajo-beel.
Haddii aan la daaweyn, dhaawaca nafsiyeed wuxuu noqon karaa mid nolosha oo dhan saameeya.
Sida culayska maskaxdu u saameeyo jirka
Maskaxda iyo jirku waa isku xiran yihiin, marka maskaxdu culays gasho.
Caloosha ayaa xanuun garaa, shuban ama matag ayaa imaan kara, murqaha ayaa adkaada, xanuun joogto ahna wuu dhici karaa
Sonkorta iyo dufanka jirka ayaa kacsama
Difaaca jirka ayaa daciifa, cudurro badanna way fududaadaan.
Qof walbahaar iyo murugo ku nool wuxuu u nugul yahay cudurro jireed oo badan.
Calaamadaha digniinta ee aan la iska indha-tiri karin, Murugo ama walwal aan dhammaan, Hurdo la’aan ama hurdo badan, Daal joogto ah xitaa nasasho kadib, Ka fogaansho bulsho iyo hadal-yaraan.
Isbeddel degdeg ah oo ku yimaada cunto ama miisaan, Fikir taban oo nafta waxyeello u leh
Calaamadahan haddii ay sii socdaan, waa in si dhab ah loo qaataa, Talooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalin karo caafimaadka maskaxda.
La hadal qof aad ku kalsoon tahay marka culays ku hayo
Samee nasasho joogto ah iyo neefsasho qoto dheer, Seexo saacado kugu filan habeen kasta, Samee jimicsi fudud, xitaa socod maalinle ah
Yaree kalinimada la xiriir qoys iyo asxaab, Haka xishoon raadsashada caawimaad nafsiyeed
Caawimaad raadintu ma aha daciifnimo waa garasho.
Doorka qoyska iyo bulshada
Qoys iyo bulsho fahamsan caafimaadka maskaxda, Waxay yareeyaan takoor iyo eedayn
Waxay dhiirrigeliyaan hadal-furan
Waxay gacan ka geystaan bogsasho degdeg ah, Qof la fahmay wuu bogsadaa.
Gunaanad:
Caafimaadka maskaxdu waa tiirka nolosha caafimaadka leh.
Walbahaarka, dhaawaca nafsiyeed, iyo culaysyada nololeed haddii la iska indha-tiro, waxay u beddelmaan cudurro maskaxeed iyo jireed.
Daryeelka maskaxdu waa daryeelka jirka. Qofka maskax ahaan caafimaad qaba wuxuu leeyahay awood uu noloshiisa iyo tan dadka kale ku hagaajiyo.
Maskaxdaada daryeel ➡️ waa xarunta noloshaada oo dhan.
✍️Mr. Sadiq Abdirahman.
Tani waa wacyigelin & tallo marksta raac tilmamaha dhakhtarka.

Comments
Post a Comment