CUDURADA TALLALKU KA HORTAGO.



Cudurada Talaalku Ka Hortago & noocyada tallaalka.

Tallaalka (Immunization)


Tallaalku wuxuu kordhiyaa awoodda jirka ee ka hortagga cudurrada isaga oo xoojinaya nidaamka difaaca jirka. 


Tallaalku wuxuu door muhiim ah ka qataa xakamaynta cudurro badan oo la is qaadsiiyo. 


Tusaale ahaan, tallaalku wuxuu sabab u ahaa in furuqii (smallpox) laga ciribtiro dunida oo dhan.


Cudurrada kale ee faafa ee lagu xakameyn karo tallaalka waxaa ka mid ah


1. Jadeeco (Measles)

2. Dabaysha (Poliomyelitis)

3. Xiiq-dheerta (Whooping cough)

4. Gowracato (Diphtheria)

5. Qaaxada (Tuberculosis)

6. Teetanada (Tetanus)

7. Pneumococcal (oof-wareen)

8. Hepatitis B (Cagaarshow)

9. Rotavirus (Shuban daran)


Barnaamijka Ballaaran ee Tallaalka (EPI) Waxa ka shaqeysa dunida garsiiya hayadaha WHO iyo UNICEF.


Si loo xakameeyo bulshada dhexdeeda cudurad halista ah waa in tallaalka la gaarsiiyo boqolkiiba 80% ugu yaaran bulshada. 


FG: Talalada PCV-13 & Rotavirus waa laba tallaal aad umuhiim u ah kuna cusub jadwalka tallaalada carruurta, waxan kaga so hadli doona qormo kale insha allaah.


Comments

Popular posts from this blog

Taariikhda Tallaalka: Sida uu Ku Bilowday iyo Doorkii Edward Jenner

🦠 Cholera Oral Vaccine (OCV)