DOORKA WAALADIINTA EE TALAALKA CARRUURTA.
Marka carruur badan la talaalo, bulshada oo dhan ayaa ka faa’iideysata, Tani waxaa loo yaqaannaa difaaca bulshada (Herd Immunity)
Haddii inta badan bulshada la talaalo, cudurku si fudud uma faafi karo, taas oo ilaalinaysa xitaa dadka aan talaalka qaadan karin
(sida carruur aad u yaryar ama dadka xanuunsan)
Doorka waalidiinta:
Waalidiintu waa tiirka ugu muhiimsan ee go’aanka talaalka.
Waalid kasta waa inuu Hubiyaa jadwalka talaalka ilmahiisa, La tashadaa xarunta caafimaadka, Ka fogaadaa wararka been abuurka ah.
Waa in ay ka fakaran mustaqbal ubadkoda sido kalena ka badbadiyaan xanunada halista ah.
Gunaanad:
Talaalka carruurta ma aha kaliya ilaalinta hal ilmo, balse waa badbaadinta bulsho dhan.
Carruur talaalan waa mustaqbal caafimaad leh.
Sidaas darteed, talaalka waa masuuliyad wadajir ah oo saaran waalidka, bulshada, iyo nidaamka caafimaadka.

Comments
Post a Comment