AASAASKA CAAFIMAAD JIR IYO MASKAXBA EE NAFAQO
Waxaa muhiim ah inaa ogatid mar waliba heerka nafaqo ee ka maqan jirkaga halkaan maqaalkan waa mid in badan ku anfici doona hadaa si dagan u akhrisato.
Ugu horeyn aan qeexno waa maxaay nafaqo.?
Nafaqo waa habka uu jirku uga faa’iideysto cuntooyinka si uu u helo tamar, korriin, iyo dayactir.
Jirku ma shaqeyn karo si sax ah haddii uusan helin cunto isku dheelitiran oo leh nafaqooyin kala duwan sida borotiin, karbohaydrayt, dufan caafimaad leh, fiitamiino, iyo macdan.
Nafaqo xumo ama cunto aan habboonayn waxay si toos ah u keentaa dhibaatooyin caafimaad oo muddo gaaban iyo mid dheerba leh.
Muhiimadda nafaqada:
Cunto nafaqo leh waxay xoojisaa difaaca jirka, waxay kordhisaa tamarta iyo awoodda shaqo, waxay ka hortagtaa cudurro badan sida sonkorow, dhiig-kar, iyo cayil
Waxay horumarisaa maskaxda, xusuusta, iyo feejignaanta, waxay ka caawisaa carruurta korriin sax ah iyo waayeelka adkaysi.
Qof si joogto ah u cuna cunto nafaqo leh wuxuu leeyahay fursad badan oo nolol caafimaad leh marka loo eego qof ku tiirsan cuntooyin liita.
Qaybaha ugu muhiimsan ee nafaqada:
Karbohaydrayt Waxay bixiyaan tamarta jirka, waxaa laga helaa bariis, galley, qamadi, iyo canjeelo. waa in la doortaa kuwa dabiiciga ah oo aan aad loo sifeyn.
Borotiin Waxay dhisaan murqaha iyo unugyada, waxaa laga helaa hilib, kalluun, ukumo, digir, iyo laws. Borotiin la’aan waxay keentaa tabar-darro iyo korriin gaabis ah.
Dufan caafimaad leh Dhammaan dufanku ma xuma, dufanka wanaagsan wuxuu ka yimaadaa saliid saytuun, laws, lawska qumbaha, iyo kalluunka, dufanka xun ee badan wuxuu keenaa cudurrada wadnaha.
Fiitamiino iyo macdan Waxay jirka ka caawiyaan hawlo badan sida difaaca, aragga, iyo dhiig sameynta, waxaa laga helaa miro iyo khudaar midabbo kala duwan leh.
Nafaqada carruurta, Carruurtu waxay u baahan yihiin cunto nafaqo leh si maskaxdooda iyo jirkoodu u koraan si sax ah, nafaqo xumo carruurnimo, Waxay keentaa gaabis waxbarasho, Waxay dhaawacdaa korriinka maskaxda, Waxay kordhisaa halista cudurro mustaqbalka.
Carruurta waa in la baro cunista miro, khudaar, iyo cuntooyin guri lagu kariyey halkii laga siin lahaa cuntooyin sonkor iyo dufan badan.
Nafaqada dadka waaweyn iyo waayeelka
Marka da’da ay kordho, jirku wuxuu u baahan yahay cunto ka caawinaysa, ilaalinta lafaha, Yaraynta cudurrada daba-dheeraada, Joogteynta tamarta.
Dadkan waa inay yareeyaan cusbada, sonkorta, iyo dufanka xun, kana bataan cuntooyinka dabiiciga ah iyo biyaha.
Cuntooyinka waxyeellada leh ee la iska ilaaliyo
Cuntooyin warshadaysan oo aad loo farsameeyey, Cabitaanno sonkor badan, Cunto degdeg ah (fast food), Cusbo iyo dufan xad-dhaaf ah.
Isticmaalka joogtada ah ee cuntooyinkan wuxuu si toos ah u keenaa cayil, sonkorow, iyo cudurro wadnaha ah.
Talooyin wax ku ool ah oo nafaqo.
Cun cunto kala duwan, ha ku ekaan hal nooc, Ku dar miro iyo khudaar cunto kasta, Cab biyo kugu filan maalin kasta.
Mar waliba dooro cunto guri lagu diyaariyey tan dibadda marna ha dooran.
Gunaanad:
Nafaqadu ma aha arrin raaxo ah waa baahi aasaasi ah.
Qofka si miyir leh u doorta waxa uu cunayo, wuxuu si toos ah u maalgashanayaa caafimaadkiisa, awooddiisa shaqo, iyo cimrigiisa.
Nafaqo xumo waa albaab cudur, halka nafaqo sax ahi ay tahay furaha nolol dheer oo tayo leh.
Cuntadaada maanta ayaa go’aaminaysa caafimaadkaaga berrito.
Mr. Sadiq Abdirahman.
Wacyigelin Caafimaad.

Comments
Post a Comment