Posts

Showing posts from January, 2026

CUDURADA TALLALKU KA HORTAGO.

Image
Cudurada Talaalku Ka Hortago & noocyada tallaalka. Tallaalka (Immunization) Tallaalku wuxuu kordhiyaa awoodda jirka ee ka hortagga cudurrada isaga oo xoojinaya nidaamka difaaca jirka.  Tallaalku wuxuu door muhiim ah ka qataa xakamaynta cudurro badan oo la is qaadsiiyo.  Tusaale ahaan, tallaalku wuxuu sabab u ahaa in furuqii (smallpox) laga ciribtiro dunida oo dhan. Cudurrada kale ee faafa ee lagu xakameyn karo tallaalka waxaa ka mid ah 1. Jadeeco (Measles) 2. Dabaysha (Poliomyelitis) 3. Xiiq-dheerta (Whooping cough) 4. Gowracato (Diphtheria) 5. Qaaxada (Tuberculosis) 6. Teetanada (Tetanus) 7. Pneumococcal (oof-wareen) 8. Hepatitis B (Cagaarshow) 9. Rotavirus (Shuban daran) Barnaamijka Ballaaran ee Tallaalka (EPI) Waxa ka shaqeysa dunida garsiiya hayadaha WHO iyo UNICEF. Si loo xakameeyo bulshada dhexdeeda cudurad halista ah waa in tallaalka la gaarsiiyo boqolkiiba 80% ugu yaaran bulshada.  FG: Talalada PCV-13 & Rotavirus waa laba tallaal aad umuhiim u ah kuna ...

DOORKA WAALADIINTA EE TALAALKA CARRUURTA.

Image
  Talaalka iyo caafimaadka bulshada: Marka carruur badan la talaalo, bulshada oo dhan ayaa ka faa’iideysata, Tani waxaa loo yaqaannaa difaaca bulshada (Herd Immunity)  Haddii inta badan bulshada la talaalo, cudurku si fudud uma faafi karo, taas oo ilaalinaysa xitaa dadka aan talaalka qaadan karin   (sida carruur aad u yaryar ama dadka xanuunsan) Doorka waalidiinta: Waalidiintu waa tiirka ugu muhiimsan ee go’aanka talaalka.  Waalid kasta waa inuu Hubiyaa jadwalka talaalka ilmahiisa, La tashadaa xarunta caafimaadka, Ka fogaadaa wararka been abuurka ah. Waa in ay ka fakaran mustaqbal ubadkoda sido kalena ka badbadiyaan xanunada halista ah. Gunaanad: Talaalka carruurta ma aha kaliya ilaalinta hal ilmo, balse waa badbaadinta bulsho dhan.  Carruur talaalan waa mustaqbal caafimaad leh.  Sidaas darteed, talaalka waa masuuliyad wadajir ah oo saaran waalidka , bulshada , iyo nidaamka caafimaadka.

Taariikhda Tallaalka: Sida uu Ku Bilowday iyo Doorkii Edward Jenner

Image
  Doorkii Edward Jenner. Tallaalku waa mid ka mid ah hal-abuurradii ugu waaweynaa ee caafimaadka aadanaha.  Kahor intaan la helin tallaalka, cudurro halis ah sida furuqa (smallpox) waxay sababi jireen dhimasho baahsan, iyagoo baabi’in jiray qoysas iyo bulshooyin badan. Qarnigii 18aad, dunidu ma lahayn difaac cilmiyeed oo ka hortaga cudurradaas.  Halkaas ayey ka bilaabatay sheeko beddeshay taariikhda caafimaadka adduunka. Edward Jenner (1749–1823) wuxuu ahaa dhakhtar Ingiriis ah oo si qoto dheer u danayn jiray cudurrada faafa. Wuxuu si gaar ah u arkay wax ay dad badan iska indho-tireen. Jenner wuxuu ogaaday in haweenka caanaha lisaya ay qaadi jireen cudur fudud oo la yiraahdo cowpox , balse aysan waligood qaadin smallpox , oo ahaa cudur aad u khatar badan. 💡 Sidee Ayay ku Dhalatay Fikradda Tallaalka? Fiirintaas kadib, Jenner wuxuu is weydiiyay. “Haddii cowpox uu qofka ka ilaaliyo smallpox , ma suuragalbaa in si ula kac ah loogu abuuro difaac?” Su’aashaas fudud ayaa dha...

Maxaay Carruurtu Ugu Baahan Yihiin Tallaal.?

Image
Maxay Carruurtu ugu Baahan Yihiin Tallaal.? Carruurtu waa kuwa ugu nugul cudurrada faafa sababtoo ah difaaca jirkoodu weli ma dhammeystirna.  Talaalka ayaa Ka ilaaliya cudurro halis ah. Talaalka ayaa ka yareeya dhimashada carruurta. Talaalka ayaa ka hortaga faafidda cudurrada bulshada dhexdeeda. Carruur aan la talaalin waxay halis u yihiin in ay qaadaan cudurro halis ah, isla markaana ay cudurka u gudbiyaan carruur kale.   Talaalku waa badbaado.

Hordhac:

Image
  Hordhac: Talaalka carruurta waa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee caafimaadka casriga ah.  Sanad walba, malaayiin carruur ah ayaa laga badbaadiyaa cudurro halis ah sida jadeeco, dabaysha, iyo qaaxo sababo la xiriira talaalka.  Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa jira waalidiin ka shaki qaba ama dib u dhiga talaalka carruurtooda, taas oo halis gelin karta caafimaadka ilmaha iyo kan bulshada guud ahaan. Waalid doorka waalidnimo gudo mar walibana ilmaha geey goobta cafimad si ay uhelaan fursada talal ay xaqa u leyihiin. Tallaalku waa badbaado, ee mahan midna keena waxyeelo iyo dhibaato.

Waa Maxay Talaal.?

Image
 Waa maxay Talaal? Talaalku waa hab jirka lagu bara sida uu uga hortago cudurro halis ah, cudurkas oo la so darsa qofka amaze ku dhaca, inta badan waxa cudurada aadka ugu nugul waa carruurta yar yar ee hadana ka yar 5 sano, aad ayay ugu nugul yihiin. 📌 Talaal Waa Difaaca Jirka. Sidee talaalku u shaqeeyaa? Talalku wuxuu ushaqeya, jirka ayuu ka caawiyaa inuu sameeyo difaac (antibodies) .

Muhiimadda Talaalka Carruurta ee Caafimaadka Bulshada

 Talaalka carruurta waa tiir muhiim u ah caafimaadka bulshada. Wuxuu ka hortagaa cudurro halis ah, wuxuuna yareeyaa faafidda cudurrada. Carruur la Talaalay Waa Bulsho badbaado leh.