🦠 Hargabka Daran (Influenza)

 

Waxaan si kooban uga hadli doona xanun inta badan dadku u arkaan hargab okaliya laakiin ah hargab halis ah oo sababi kara dhimasho sido kalena si dag dag ah ufaafa waxana la yiraahdaa hargabka daran (influenza).

Waa maxaay hargabka daran?

Hargabka daran waa cudur fayras ah oo si degdeg ah u faafa kana dhaca neef mareenka (sanka, cunaha, sambabada).

Dad badan wuxuu ku keenaa xanuun fudud, balse wuxuu isu rogi karaa xanuun halis ah ama dhimasho, gaar ahaan dadka halista ku jira Influenza ma aha hargab caadi ah waa cudur ka culus kana khatar badan.

Maxaa Keena?

 Influenza waxaa keena fayras (Virus) loo yaqaan Influenza virus (noocyada A iyo B ayaa ugu badan).

Fayrasku si joogto ah ayuu isu beddelaa taasoo ka dhigaysa cudur soo noqnoqda sannad kasta.

Sida uu u Fafo (Transmission)

Influenza wuxuu ku faafa, hibcaha hawada marka qof qufaco, hindhiso, ama hadlo, Xiriir dhow oo lala yeesho qof qaba, Gacmo iyo dushooyin wasakhaysan, kadibna indhaha, sanka, ama afka la taabto.

Qofku wuu faafin karaa ka hor inta calaamado uusan muujin.

Hababka Ugu Wanaagsan ee Looga Hortago (Best Prevention Methods):

Qaadashada tallaalka influenza sannad kasta, Ka fogaanshaha xiriir dhow marka cudur jiro, dhaqidda gacmaha si joogto ah, xidhashada af‑xir (mask) xilliyada dillaacyada

 

Kooxaha Halista Ugu Jira (High‑Risk Groups):

ü  Carruurta ka yar 5 sano, gaar ahaan dhallaanka

ü  Dadka waayeelka ah (≥65 sano)

ü  Haweenka uurka leh

ü  Dadka qaba cudurro daba‑dheer (neef, sonkorow, wadne, kelyo xanun)

ü  Dadka difaaca jirka daciifka ah

ü  Shaqaalaha caafimaadka

ü  Bulshooyinka ciriiriga ah (xeryo, dugsiyo, xabsiyo)


Doorka Tallaalka (Role of Vaccination)

💉 Tallaalka Influenza Waxaa la qaataa sannad kasta, Wuxuu si weyn u yareeyaa xanuunka daran, isbitaalka, iyo dhimashada, aad buu muhiim ugu yahay kooxaha halista sare.

⚠️ Tallaalku ma joojin karo dhammaan infekshannada, balse wuu yareeyaa culayska cudurka.

 

Gunaanad (Conclusion)

Influenza waa cudur dad badani iska fududeeyaan, balse xaqiiqadu waa in uu dilo kumannaan qof sannad kasta.

Fayraskiisu si fudud ayuu u faafaa, wuxuuna si gaar ah u haleelaa dadka jilicsan.

Ka hortaggiisu waa mid suurtagal ah haddii tallaalka iyo dhaqanka saxda ah la qaato.

Talooyin (Recommendations):

taloyinkaan waxay muhiim uyihiin cid waliba markaas iskaga shakiya in uu jiro xanunkaan ama ay maqlaan in uu jiro oo dilaacay xanunkaan talooyinkaan waxay khuseyaan dhamaan dadkan hoos ku xusan isagoo qof waliba ka qaadanayo doorka uu leeyahay.

1.      Qofka: Haddii aad leedahay qandho, qufac, iyo daal daran ha u qaadan hargab fudud.

2.      Qoyska: Ilaali waayeelka iyo carruurta yaryar xilliyada hargabka.

3.      Bulshada: Ha shaqeyn adigoo xanuunsan; taasi faafin ayay keentaa.

4.      Xarumaha caafimaadka: Kordhi tallaalka iyo wacyigelinta xilli hore.

🛡️ Influenza waa cudur halis ah lagana hortagi karo haddii si dhab ah loo qaato talooyiin caafimaad.

 

Fariintaani waa fariin wacyigelin iyo talo soo jeedin fadlan marksta la xiriiri dhakhtar kuna xirnow xarun caafimaad hadii aad calamadaha isku aragto sido kalena qaado talaalka ka hortaga cudurka hargabka daran (Influenza)

.........................................................................................

✍️Mr. Sadiq Abdirahman

Comments

Popular posts from this blog

Taariikhda Tallaalka: Sida uu Ku Bilowday iyo Doorkii Edward Jenner

🦠 Cholera Oral Vaccine (OCV)