🧠QOORGOOYE (Meningitis)
Waxaan manta ka hadli doona cudurka halista ah ee qoorgooye
(Meningitis) cudurkaan ayaa ah cudur sababi kara dhimasho wuxuuna inta badan
sameyaa kuna dhaca maskaxda xuubabka ku daboolan.
Waa maxay qoorgooye?
Qoorgooye waa cudur faafa oo halis ah oo ku dhaca xuubabka
daboola maskaxda iyo laf dhabarta, Waa cudur si degdeg ah u kora, una
sababi kara dhimasho ama naafo joogto ah haddii aan si dhaqso ah loo
daaweyn.
Maxaa Keena?
Qoorgooyaha waxaa keeni kara fayras (Virus) ama bakteeriyo
(Bacteria), balse kan ugu halista badan waa kan bakteeriyada.
➡️ Bakteeriyada ugu caansan:
- Neisseria
meningitidis (Meningococcal meningitis)
- Streptococcus
pneumoniae
- Haemophiles
influenzae type b (Hib)
➡️ Fayrasyo sidoo kale way
keeni karaan, balse badanaa way ka fudud yihiin.
Sida uu u Fafo (Transmission)
Qoorgooye wuxuu ku faafaa, Hawada iyo dhibcaha afka/sanka
qufac, hindhiso, Xiriir dhow (isku guri, isku dugsi, isku xero)
Calaamadaha Qoorgooyaha (Symptoms)
Calaamadaha badanaa si degdeg ah ayey u bilaabmaan, Qandho daran, Madax xanuun xooggan, Qoor adag, Matag, Iftiinka oo dhib ku noqda indhaha, Miyir-beelid ama wareer
⚠️ Xaaladaha daran, Suuxdin, Dhimasho, Maqal-la’aan ama maskax-dhaawac joogto ah
Kooxaha Halista Ugu Jira (High-Risk Groups – faahfaahsan), Carruurta ka yar 5 sano, Dhallaanka, Dadka difaaca jirka daciifka ah, Bulshooyinka tallaalku hooseeyo, Meelaha uu dillaac ka jiro (outbreak areas)
Hababka Ugu Wanaagsan ee Looga Hortago (Best Prevention
Methods)
ü Go’doomin
degdeg ah marka qof laga shakiyo, Daaweyn dhaqso ah
ü
Nadaafad iyo hawo wanaagsan
ü
Ka fogaanshaha ciriiriga marka cudur jiro
ü
Wacyigelin bulsho
Doorka Tallaalka (Role of Vaccination)
💉 Tallaalada ka hortaga
qoorgooyaha:
ü
Hib vaccine
ü
Pneumococcal vaccine (PCV)
ü
Meningococcal vaccine
Tallaaladu waxay si weyn u yareeyaan dillaacyada cudurada, waxay badbaadiyeen carruur badan, Tallaaladu waa laf-dhabarta ka hortagga qoorgooyaha.
⚠️ Meel kasta oo tallaalku hoos u dhaco → qoorgooye wuu dillaacaa.
Gunaanad (Conclusion)
Qoorgooye waa cudur degdeg u dilaa ah, balse si
wax ku ool ah looga hortagi karo. ogaanshaha hore, tallaalka, iyo jawaab
caafimaad oo degdeg ah ayaa ah furaha badbaadada.
Talooyin (Recommendations)
Waxan talada ukala qaadeyn ilaa 4 qaab oo mid waliba
doorkiisa ka qadaneyo cudurkaan halista ah.
1.
Qofka: Qandho + qoor adag waa xaalad
degdeg ah.
2.
Qoyska: Carruurta tallaalkooda hubi.
3.
Bulshada: Ka digtoonow dillaacyada, ha
fududeysan.
4.
Xarumaha caafimaadka: Ka jawaab si degdeg
ah, qabashada tallaal ballaaran.
🛡️ Qoorgooye waa laga
hortagi karaa, tallaalkuna waa difaac.
Fariintaani waa fariin wacyigelin iyo talo soo jeedin fadlan
marksta la xiriiri dhakhtar kuna xirnow xarun caafimaad hadii aad calamadaha
isku aragto sido kalena qaado talaalka ka hortaga cudurka Qoorgooye (Meningitis)
.........................................................................................
✍️Mr. Sadiq Abdirahman

Comments
Post a Comment