🦠Hargabka Daran (Influenza)
Waxaan si kooban uga hadli doona xanun inta badan dadku u arkaan hargab okaliya laakiin ah hargab halis ah oo sababi kara dhimasho sido kalena si dag dag ah ufaafa waxana la yiraahdaa hargabka daran (influenza). Waa maxaay hargabka daran? Hargabka daran waa cudur fayras ah oo si degdeg ah u faafa kana dhaca neef mareenka (sanka, cunaha, sambabada) . Dad badan wuxuu ku keenaa xanuun fudud, balse wuxuu isu rogi karaa xanuun halis ah ama dhimasho , gaar ahaan dadka halista ku jira Influenza ma aha hargab caadi ah waa cudur ka culus kana khatar badan. Maxaa Keena? Influenza waxaa keena fayras (Virus) loo yaqaan Influenza virus (noocyada A iyo B ayaa ugu badan). Fayrasku si joogto ah ayuu isu beddelaa taasoo ka dhigaysa cudur soo noqnoqda sannad kasta. Sida uu u Fafo (Transmission) Influenza wuxuu ku faafa, hibcaha hawada marka qof qufaco, hindhiso, ama hadlo, Xiriir dhow oo lala yeesho qof qaba, Gacmo iyo dushooyin wasakhaysan , kadibna indhaha, sanka, ama af...